Magaalada Dublin ee caasimadda wadanka Ireland waxaa todobaadkaan lagu qabtay Xafladd dad gaaraya ilaa iyo 1500 oo qof oo lagu guddoonsiiyay dhalashada Wadanka.
Dadkaan ayaa waxey ka kala yimaadeen ilaa iyo boqol wadan, waana Xafladdii labaad oo dadka dhalashada qaadanaya loo sameeyo tan iyo markii uu bilowday Cudurka Coronaha.
Inti uu jiray Cudurka Coronaha dadka waxaa loo dhaarinayay si shaqsi shaqsi ah oo qaab Video ah ama xafiisyada sharci yaqaanada ayey dhaarta kusoo marayeen.
Wasiirka Cadaaladda ayaa dadkaan u sheegay in ay hantida wadanka uu leeyahay ay tahay dadka islamarkaana loo baahan yahay isdhex gal bulsho iyo in laga wada shaqeeyo horumarka wadanka.