Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa u codeeyay hindisaha siyaasadda cusub ee dadka Magangalyo doonka ah taasi oo haddii la dhaqan geliyo ka dhigan in dadka soo galootiga ah ay si siman u qeybsadaan wadamada Yurub.
Sharcigaanayaa lagu xakameynayaa qaxootiga cusub waxaana haddii ay Yurub soo gaaraan si siman u qeybsanaya wadamada Midowga Yurub.
Qaar kamid ah wadama Yurub ayaa dalbaday in Siyaasaddi hore wax laga badalo maadaama wadamada qaar ay dhibaato ku qabeen in qaxootiga badan ay iyagu qaabilaan.
Inta badana Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa isku raacay Hindisaha cusub waxaana la filayaa in ay soo bandhigaan qaabka uu noqonayo Hishiiskaan
Sanadkii 2015 ayey aheyd markii Qaxootigi ugu badnaa uu Yurub soo gaaray waxaana wadamadii ugu badnaa oo ay tageen ay ahaayeen Jarmalka, Faransiiska iyo Sweden halka wadamo kale oo Yurub ah ay isa soo dhaafiyeen.