Daraasad cusub oo uu sameeyay mac-hadka Daraasaadka Dhaqaalaha iyo Bulshada ee ESRI ee Dublin ku yaala ayaa muujinaysa in muwaadhiniinta Jamhuuriyadda Ireland ay fikrad wanaagsan iyo kasoo dhoweyn badanyihiin marka la barbardhigo kuwa Waqooyiga Ireland marka ay timaado dadka soogalootiga ah ama qaxootiga ah.
Daraasadda ayaa sidoo kale muujinaysa in dadka soogalootiga ah ay sameeyeen isdhexgal wanaagsan, qabtaan shaqooyin kala duwan, carruurahoodana ay aad ugu biireen iskuulaadka, waxbarashadana kaga fiicanyihiin carruuraha muwaadhiniinta.
Inkasta oo dadka soogalootiga ah ee imanaya Jamhuuriyadda Ireland iyo Northern Ireland ay yihiin kuwa u yimid waxbarasho iyo shaqo, haddane waxaa sanadihii dambe aad usoo kordhey dadka magangalyo doonka ah.
Tusaale dadka soo galay Northern Ireland sanadkii 2020-kii boqolkiiba 10% waxa ay dalbadeen magangalyo, halka Jamhuuriyadda Ireland ay tirada ahayd boqolkiiba 7%.
Balse tirakoobka guud, Jamhuuriyadda Ireland ayay ku badanyihiin dadka qaxooyiga ah.
Daraasadda ayaase sheegtay in uu jiro welwel ka dhashay banaanbaxyo dhacay bilihii dhowaa oo looga soo horjeedo dadka qaxootiga ah.