Thursday, October 10, 2024
More

    Dublin:- Ireland oo lagu eedeeyay in ay dayacday Qaxootiga

    Dowladda Ireland ayaa lagu eedeeyay in ay ku xadgudubtay Xuquuqda aasaasiga ah ee Sharciga Caalamiga ah ee qaxootiga soo gaaraya wadanka ee ku saabsan hooy siinta magan galyo doonka cusub.

    War kasoo baxay Xafiiska guddiga xuquuqul insaanka Ireland ayaa lagu sheegay in dowladda laga doonayo in la dhowro xuquuqda qofka Hooy iyo nololna loo helo dadka cusub ee magan galyo doonka ah.

    Hadalkaan ayaa yimid kadib markii dad badan oo dhowaan dalka yimid ay Hooy la’aan iyo Cunto la’aan ku dhacday, waxeyna dowladda sheegtay in dhamaan goobihii loo qoondeeyay qaxootiga ay buuxsameen.

    Hey’adda Qaxootiga ugu qaabilsan qaramada midoobey ayaa horey u sheegtay in Ireland uu waajib ka saaran yahay in ay Hooy iyo cunto siiso qaxootiga lana dhowro xuquuqda aasaasiga ah ee qofka.

    Wararka La Xiriira

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    Latest Articles