Thursday, October 10, 2024
More

    Dublin : Nin Soomaali ah oo lagu xukumay 3 sano

    Nin Soomaali ah oo haysta dhalashada dalka Sweden ayaa lagu xukumay seddex sano oo xabsi ah kadib markii maxkamad ku taala magaalada Dublin ay ku heshy in uu dad si sharci daro ah kusoo galiyay dalkan Ireland.

     

    Xukunka ayaa dhacay 3-dii Maarso, 2023-ka, waxaana lagu ridey Saleebaan Cabdisahar oo 30 jir ah, isaga oo lagu heley in uu seddex qof si aan sharciga waafaqsanayn kusoo galiyay Jamhuuriyadda Ireland.

     

    Garsoore Martin Nolan ayaa Saleebaan ku tilmaamay in uu qeyb ka yahay shabakad dadka tahriibisa. Maxkamadda ayaa dhagaysatay in ninkani uu qofkiiba ka qaatay lacag €1,000 ah.

     

    Garsooraha ayaa markii hore qorsheeyay in xukunka uu noqdo illaa lix sano, balse maadaamaa Saleebaan uu wadashaqayn wanaagsan la sameeyay taliska Garda-ha ee kiiska baarayay, ayaa hoos loogu dhigay illaa 3 sano.

     

    Sargaalka lagu magacaabo Karl Finnegan BL oo ahaa baaraha kiiska ayaa sheegay in Saleebaan uu soo jiitay indhaha ciidanka isaga oo sanadkii hore kasoo dagay duulimaad ka yimid Faransiiska oo ahaa shirkadda Ryan Air.

     

    Baaris lagu sameeyay kadib ayaa taleefoonkiisa laga heley xog muujinaysa in uu dad tahriibinayay, iyada oo ugu yaraan haweenay uu soo tahriibiyay lagu arkay banaanka garoonka diyaaradaha ee Dublin.

     

    Saleebaan ayaa qirtay in shaqo la’aan ay ku dhacday dalka Sweden, tasina ay ku kaliftay in uu hawlahan ka shaqeeyo.

     

    Ugu dambeyn waxay maxkamadda sheegtay in ninkani uu Ireland soo galiyay illaa shan qof.

    Wararka La Xiriira

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    Latest Articles