Hey’adda Qaabilsan qaxootiga ee International Protection Office ayaa Laga soo bilaabo horaantii sanadkaan bilowday in dadka Magangalyo doonka ah ee isa soo dhiibaya ay ku wargeliso in ay is dabaraan maadaama xarumihii loogu talo galay dadka qaxootiga ah ay buuxsameen.
Qofka cusub ee qaxootinimada isu soo dhiibaya Wadanka Jamhuuriyadda Ireland waxaa dhowaanahaanba socotay in lagu wargeliyo in uu isaga is dabaro taas oo caqabad ku noqotay dad badan oo aan wadanka cidna ka aqoon meel ay aadaana garan waayay.
Qaabka qaabilaadda qaxootiga ee wadanka Ireland ayaa horey u aheyd in qofka lasoo dhaweeyo oo Hooy iyo meel uu ku tiirsanaado la siiyo, laakiin sidii ay usoo baxeen wararka sheegaya in xarumihii loogu talo galay qaxootiga ay buuxsameen waxaa adkaatay in qofka cusub ee is dhiibaya meel lagu qoro.
Xaaladda ayaa iminka mareysa Maalmaha hore waa inaad is dabarto haddii aad qaxootinimo isu soo dhiibto wadanka Ireland haddii kale cid ku dabareyso malaha.
Labadi sano ee lasoo dhaafay waxaa wadanka ireland soo galay dad magangalyo doon ah oo aad uga badan tiradii horey wadanka iska soo dhiibi jirtay taas oo keentay in Goobihii loogu talo galay qaxootiga ay buuxsameen