Macalin Isbaanish ah oo wax ka dhigta iskuul gaar loo leeyahay oo ku yaala koonfur galbeed dalka Faransiiska ayaa lagu dilay weerar mindi loo adeegsaday oo uu fuliyay arday, sida uu shaaciyay booliiska.
Macalimada Isbaanish-ka oo 50 sano jir ah ayaa ku jirtay casharka iskuulka markii ardaygu uu mindi ku weeraray.
Naagtan ayaa heshay daryeel caafimaad balse, booliiska ayaa ku wargeliyay wakaaladda wararka ee AFP inay u dhimatay dhaawacii soo gaaray.
Ardayga dilkan geystay oo 16 sano jir ah ayaa booliska Faransiiska xabsiga u taxaabeen.
Dilka ayaa ka dhacay magaalada Saint-Jean-de-Luz, taasi oo ku taal xeebta Atlantic, una dhow xuduudka Spain.
Wasiirka waxbarashada Faransiiska Pap Ndiaye ayaa ku sii jeeda iskuulka, wuxuuna sheegay in uu aad uga xun yahay dhacdadan.
SomaliIreland News Desk