Thursday, October 10, 2024
More

    Hooyo Tubaako cun ah oo Ilmo caloosheeda ku jira Halis gelisay

    “Ilmahu ma ooyin markii uu dhashay. Dhakhaatiirtu waxwalba ayay hubiyeen, sababta na way fahmi waayeen,” ayuu yiri dhakhtarka ka howlgala Isbitaalka ay hooyadan ku dhashay oo la hadlay BBC.

     

    Mar dambe oo ay hooyada ka wareysteen arrimaheeda gaarka ah ee caafimaad iyo haddii ay balwad leedahay ayay ogaadeen inay tahay tubaako cun. Kadib ayaa dhiigo ilmaha yar ee markaas dhashay laga baaray maaddooyinka tubaakada laga helo. “Waxaan la argagaxnay natiijada kasoo baxday baaritaanka,” ayuu dhakhtarka.

     

    Ilmahan yar oo ay hooyadiis tahay tubaako cunka ayaa ku dhashay Isbitaal ku yaal Hindiya ee uu ka howlglao dhakhtar Ashis Mehta. Ilmahan oo ku dhashay qalliin ayaa markii hore u muuqday in uu caafimaad qabo isaga oo miisaankiisu dhan yahay 2.4kg.

     

    Laakiin ma ooyin, oo ma dhawaaqin ilmahan markii uu dhashay ba, sida caadiga ah, wax yar kadibna waxaa isbedelay midabka jirkiisa, isaga oo noqday cagaar. Waxaa si deg deg ah loogu xiray qalabka lagu neefsado. Waxaa sidoo kale isbedelay garaaca wadanaha ee ilmaha, iyada oo uu hoos u dhacay xowliga socodka dhiigiisa. Islamarkiiba, Isbitaalka u uku dhashay ilmahan ayaa iska wareejiyay oo u diray isbitaal kale oo xaaladaha deg deh ah la tacaala.

    Baaritaano dhowr ah kadib ayaa dhiiga ilmaha markaas dhashay laga helay maaddooyinka ku jira tubaakada oo xad dhaaf ah, taas oo gaareysay in ka badan labaatan jibaar heerka dadka waaweyn.

    Waxaas oo dhan waxay dhacayaan iyada oo aysan jirin wax dhibaato caafimaad ah oo lagu arkay hooyada dhashay ilmahan, sida uu BBC u sheegay dhakhtar Ashish. Weli

     

    dhibkaas waxa uu taagnaa saddex maalin kadib dhalashada ilmaha, markaas oo la ogaaday in hooyadu ay tubaakada aad u cuni jirtay.

    Hooyada tubaako cunka ah waxay cuni jirtay maalintii 15 xabo oo tubaako ah.

     

    Xigasho BBC

    Wararka La Xiriira

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    Latest Articles