Jaama Cumar oo ah Aabe Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Stocholom ee Caasimadda Wadanka Sweden oo sanad iyo bar ka hor wiilkiisa ku waayay shil toogasho ah ayaa dowladda Sweden ku eedeeyay cadaalad darro.
Aabahaan ayaa sheegay in Geerida Wiilkiisa aan Qofna cadaaladda loo keenin islamarkaana qofkii dilay uu si xor ah magaalada uu dhinac uga nool yahay
Mr Cumar ayaa Wargeyska Aftonbladet u sheegay in ilaalinta sharciga Sweden ay dadka isku mid u aheyn, wuxuuna carabka ku dhuftay in nidaamka sharciga Wadankaasi uusan shaqeynin.
Aabahaan ayaa Markuu Wareysigi bixiyay Gacanta ku haayay Jaakadda iyo Macaawiista wiilkiisa la dilay wuxuuna ku sugnaa maqaayad ku taal xaafada Rinkeby.
wuxuu yidhi: Carruur baad leedihiin, waad koriseen, oo markuu wiilkaagu labaatan jirsado, mid baa toogta. Wax walbana waa lumeen. Wax kasta oo aad maalgashatay way baxeen.”
Dilka kadib, Cumar ayaa sheegay in gabadhiisa iyo hooyadii dhashay wiilka ay qolkooda ku jireen 19 bilood, iyagoo naxsan.