Dowladda Jarmalka ayaa la sheegay in ay u baahan tahay 1 Milyan oo qaxooti ah si ay u buuxiyaan baahida shaqaale ee ka jirta wadankaasi.
Madaxa Machadka Kiel Institute for the World ayaa sheegay in Jarmalka ay ka jirto baahi baaxad leh oo loo qabo shaqaale hor leh waxaana lagama maarmaan ah in dadka loo fuudeeyo si loo daboolo baahida shaqooyinka.
Wargeyska Rheinische Post oo soo xiganaya Madaxda ayaa horey u daabacay in baahi loo qabo qaxooti gaaraya 1 milyan si Culeyska shaqada loo yareeyo.
Dhowaan ayuu Baarlamaanka Jarmalka ansixiyay Sharci cusub oo socdaalka ah kaas oo looga gol leeyahay in shaqaalaha xirfadlayaasha ah ee ka baxsan wadamada Yurub lagu dhiira geliyo in ay Jarmalka usoo shaqo tagaan.