Dowladda Ingiriiska ayaa shaacisay in dad ku dhow Sideed kun oo Qof oo qaxooti ah oo badankood kazoo jeedo wadanka Afganistaan ay guryaha ka saareyso.
Dadkaan ayaa Afganistaan laga soo qaaday Sanadkii 2021 markii xukunka wadankaasi ay la wareegeen Ururka Talibaan.
Fariimo loo diray dadkaan ayaa loogu sheegay in ay is dabaraan maadaama Dowladda ingiriiska intaas ka badan awoodin.
UK ayaa sidoo kale dhawaan meel marisay Sharci Dadka Qaxootiga loogu Musaafurinayo Dalka Rwanda halkaasi loogu dhameystiro Dacwadooda.
Dhanka kale Xubno ka tirsan Barlaanka UK ayaa dhaliilay Qorshaha Dowlada ee Dadka Qaxootiga loogu dhoofinayo dalka Ruwanda.