Xaaskii uu ka geeriyooday boqorkii hore ee Sacuudi Carabiya ayaa ku lug leh dagaal maxkamadeed ku saabsan guri lagu qiimeeyey tobanaan milyan oo dollar oo ku yaalla mid ka mid ah waddooyinka ugu qaalisan London.
Aljawharah Alibrahim, ayaa waxaa maxkamad ku dacweysay hay’ad fadhiggeedu yahay dalka Liechtenstein, oo magaca dhaxlayaasha Boqor Fahad bin Abdulaziz, oo geeriyooday 2005, ku maamusha dhismaha Kenstead Hall.
Qareenada matalaya hay’adda Asturion Fondation ayaa u sheegay garsooraha Maxkamadda Sare ee London, in sanadkii 2011 uu qof xubin ka ah hay’adda dhismaha Kenstead Hall ku wareejiyey Aljawharah Alibrahim “ayada oo aysan ansixin guddiga.”
Xaaskii hore ee boqor Fahad ayaa ka dagaalameysa sheegashadaas.
Garsoore Adam Johnson ayaa dhageystay in dhismaha Kenstead Hall uu ku yaallo waddada The Bishops Avenue ee xaafadda waqooyiga London.
Website-ka hidden-london.com ayaa waddada The Bishops Avenue ku qeexa “waddo aad qaali u ah oo teedsan Hampstead Heath illaa East Finchley.” Sidoo kale website-ka shirkadda guryaha ee Glentree Estates ayaa waddada ku qeexa “Safka Bilyaneerada.”
Xigasho Caasimadda Online