Wednesday, January 22, 2025
More

    USA:- dad lagu Toogtay Philadelphia

    Nin hubeysan ayaa xalay fal toogashoah ka geystay Magaalada Philadelphia ee xarunta gobolka Pennsylvania wadanka Mareykanka.

    4 qof ayaa ku dhimatay tiro kalena waa ku dhaawacmeen kadib markii nin hubeysan uu goob ay dad ku sugnaayeen rasaas ku furay waxaana dhaawacyada loola cararay goobaha Caafimaadka.

    Ciidamada Booliska ayaa isla haddiiba ka jawaabay falkaan waxaana Gacanta lagu dhigay ninkii toogashada geystay

    Afhayeen u hadlay booliiska magaalada Philadelphia ayaa sheegay in ay socdaan baaritaano la xariira toogashada, waxa uu sheegay in ciidamada gacanta ku hayaan ninkii ka dambeeyay weerarka ayna ogaanayaan sababta uu dadka u dilay.

    Wararka La Xiriira

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    Latest Articles