Thursday, October 10, 2024
More

    DUBLIN ‘’Qofki aan heysan Aqoonsi sax ah waa in la masaafuriyo’’.. Michael McDowell

    Magaalada Dublin ee Caasimadda Wadanka Ireland waxaa ka dhacday dooda dadka Magangalyo doonka ah waxaana ka qeyb galay Xubno uu kamid ahaa Wasiirkii hore ee Cadaaladda Iareland  Michael McDowell.

    Wasaaradda Cadaaladda waxaa ay sheegtay in bishii January ilaa November ee 2022 ay Ireland soo galeen ilaa 5074 qof oo qaxooti ah iyadoo boqolkiba 40% dadkaasi aysan heysan wax cadeyn ama aqoonsi ah oo ay ku safrayeen ama documentiyo Faalso ah.

    Wasiirkii hore ee Cadaaladda ayaa ku dooday in Dowladda haatan jirta ay si aan wanaagsaneyn ay u maareyneyso habka magangalyo doonka wuxuuna sheegay in ay khasab ku tahay in dadka soogalootiga ah ay aqoonsi la yimaadaan, haddii aysan wax aqoonsi heysanna lagu celiyo meeshi ay ka yimaadeen.

    ‘’Qofki aan heysan Aqoonsi sax ah waa in la masaafuriyo’’ ayuu yiri Michael McDowell, wuxuuna intaas ku daray in arintaas ay yareyn karto in dad iska socda sharci darro ay wadanka iska yimaadaan.

    Wararka La Xiriira

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    Latest Articles