Wadanka Ireland oo Muddooyinkaanba ay ka jirtay Guryo La,aan baahsan ayaa waxaa arintaasi ka hadlay Ra,iisul wasaare Leo Varadkar wuxuuna sheegay in dowladda ay si deg deg ah ugu baahan tahay in 250-KUN oo Guri la dhiso maadaama dad badan ay Guryo la,aan yihiin.
Waxaa uu sheegay Ra,iisul wasaaraha in sanadkii lasoo dhaafay la dhisay ilaa iyo 30 Kun oo Guri Sanadkaana la dhisi doono 40 Kun oo Guri si loo yareeyo baahida Guryaha ee ka jirta wadanka Ireland.
Wargeyska Irish Times oo wax ka qoray Heerka Gurya la’aanta ka jirta wadanka ayaa sheegay in uu hoos u dhac ku yimid tirada Siyaasiyiinka Guryaha leh Landlord-yada ah.
Dhinaca kale waxaa laga baqayaa inuu wadanka ka dhaco Baraf xoogan taas oo saameyn ku yeelan kara isu socodka dadweynaha waxaana loogu baaqayaa in ay la socdaan Idaacadaha si ay uga digtoonaadaan khatar kasta oo kaga imaan karta cimilada qaboow ee laga baqayo