Saturday, December 7, 2024
More

    Sweden:- Sharuudo adag oo laga soo saaray dacwada qoyska

    Dowladda Sweden ayaa ku dhawaaqday in ay adkeyneyso sharuudaha dadka isku dacwoonaya ee doonaya in ay ehelkooda ku sugan dibadda  ay wadanka Sweden ku casuumaan.

    Wasiirka Socdaalka Maria Malmer oo ay si wada jir ah shir jaraa’id u qabteen Hogaamiyaha xisbiga Sverigedemokraterna, Matthias Johansson ayaa ku dhawaaqay in sharuudaha cusub dacwada qoyska taas oo dadka doonaya in ay u dacwoodaan Eheladooda ku sugan wadanka dibaddiisa la dul dhigay.

    Horey Sweden wax Sharuud ah kama jirin wuxuuna qofka dadkiisa u dacwoon karay marka ugu horeysa ee uu shaqrciga qaato iyada oo aan xitaa la eegeynin dhaqaalaha soo galo.

    Arintaan ayaa walaac ku abuurtay bulshooyin kala duwan ee qaxootiga ku ah wadanka sweden waxaana haddii sharuudahaan la dhaqan geliyo ay culeys ku noqon kartaa in dad badan oo qaxooti ah ay eheladooda la midoobaan.

    Wararka La Xiriira

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    Latest Articles