Shaqaalaha u shaqeeya Guddiga Midowga Yurub ayaa lagu amray inay taleefannadooda iyo qalabka hay’addaas ka saaraan barnaamijka TikTok.
Guddiga ayaa sheegay inuu dhaqangelinayo tallaabada ah “ilaalinta xogta iyo in la kordhiyo ammaanka internet-ka”.
TikTok oo ay leedahay shirkadda ByteDance ee waddanka Shiinaha ayaa wajahday eedaymo ah in ay aruursato xogta dadka barnaamijkeeda isticmaala markaas kaddibna ay u gacan geliso dowladda Shiinaha.
Hase yeeshee, mas’uuliyiinta TikTok waxa ay ku adkaysanayaan in aanay u shaqeyn si ka duwan sida ay u shaqeeyaan baraha kale ee ay bulshadu ku wada xiriiraan.
Madaxa warshadaha Midowga Yurub, Thierry Breton ayaa shir jaraa’id ka sheegay in madaxda Midowgu ay aad diiradda ugu hayaan ammaanka internetka, isagoo iska diiday inuu bixiyo faafaahin intaas dheer.
Xayiraadda ayaa sidoo kale ka dhigan in shaqaalaha Guddiga Midowga Yurub aanay qalabkooda shakhsiga ah ee ay ku jiraan baraamijyada ururka aanay ku isticmaali karin TikTok.
Guddiga ayaa sheegay inay u shaqeeyaan ku dhawaad 32,000 oo shaqaale ah oo isugu jira kuwo joogto ah iyo kuwo qandaraasleyaal ah.
Waxaa dhammaantood qasab ku ah inay sida ugu dhakhsiyaha badan isaga saaraan barnaamijka TikTok ama ugu dambayn 15-ka Maarso.
Dadka aanan amarkaas fulin markii la gaaro waqtiga kama dambaysta ah ee loo qabtay waxaanay heli doonin barnaamijyada ururka uu ku shaqeeyo sida kan farriimaha la isugu diro iyo kan lagu wadahadlo ee lagu magacaabo “Skype for Business”.
TikTok ayaa sheegtay in go’aanka guddigu uu salka ku hayo aragtiyo khaldan oo la xiriira bartooda.
“Aad baynu uga niyadjabnay go’aanka, kaas oo aynu rumaysannahay in lagu gaaray qaab khaldan oo saldhig ay u yihiin fikrado khaldan,” ayuu yiri afhayeen shirkadda u hadlay.
Shirkadda ay TikTok hoos tagto ee ByteDance ayaa wajahday baaritaano badan oo ay ku sameynayaan dowladaha reer galbeedku si ay u ogaadaan inta uu la egyahay galaankgalka Shiinuhu ku leeyahay xogta dadka isticmaalaya adeeggan.
Sannadkii la soo dhaafay TikTok ayaa qirtay in qaar ka mid ah shaqaalaheeda ku sugan waddanka Shiinaha ay galaangal u yeelan karaan xogta dadka bartaas isticmaala ee jooga Yurub.
Adeegga Tiktok ayaa isla markii uu soo baxay si deg deg ah u kobcay, waxa uuna noqday app-kii ugu horreysay ee aan ka tirsaneyn shirkadda Meta oo gaara saddex bilyan oo macaamiil soo degsatay ah guud ahaan dunida, sida ay sheegtay shirkadda wax falanqeysa ee Sensor Tower Data.
Maamulaha guud ee bartan ay bulshadu ku xiriiraan, Shou Zi Chew ayaa bishii January u tagay magaalada Brussels wadahadal uu la yeeshay saraakiisha Midowga Yurub, kaas oo ay goluhu uga dalbadeen maamulka Tiktok in ay xaqiijiyeen ilaalinta xogta dadka adeeggan ka isticmaala Yurub.
Waxa ay intaas ku dareen in ay muddo dheer qaadan doonto in mar kale ay TikTok hesho kalsoonida madaxda reer Yurub.
Dowladda Mareykanka ayaa sannadkii la soo dhaafay TikTok ka mamnuucday qalabka loo sameeyo hay’adaha federaalka sababo la xiriira walaac dhanka ammaanka qaranka.
Mareykanku waxa uu ka cabsi-qabaa in dowladda Shiinaha ay TikTok ku qabto galangal ay ku yeeshaan qalabkaasi iyo xogta dadka bartaas isticmaala ee ku nool Mareykanka.
Bishii la soo dhaafay, dowladda Holland ayaa la sheegay inay shaqaalaha dowladda ku wargelisay inay ka fogaadaan bartaasi sababo lamid ah walaaca Mareykanka.
UK-na, madaxa guddiga arrimahada dibadda ee baarlamaanka, xildhibaan Alicia Kearns, ayaa dhawaan ugu baaqday dadka inay iska tiraan barnaamijkaasi mar ay wareysi siinaysay warbaahinta Sky News.