Inkastoo ay adag tahay in la tiriyo hubka igusu jira qoryaha iyo bastooladaha eek u jira gacanta dadka rayidka ah ee caalamka, haddana tirajoobkii ugu dambeeyay ee ay sameysay hay’adahha daraaseysa hubka fudud ee fadhigeedu yahay Switzerland oo lagu magacaabo Small Arms Survey waxay ku qiyaastay in ilaa 390 milyan oo qori ay ku jiraan gacanta dadweynaha Mareykanka.Â
Hay’addan ayaa qiyaastaas sameysay sanadkii 2018-kii, waxaana suurtagal ah in ay tiradu hadda intaas ka badan tahay.Â
Qiyaasta guud ayaa muujineysa in tiradaas ay ka dhigan tahay in 100-kii qof ee rayid ah ay kusoo aadayaan 120.5 qori.Â
Sanadkii 2011-kii waxay tiradan ahayd 88 qori oo ku soo aadaya 100-kii qof. Tani waxay aad uga badan tahay tirade hubka eek u jirta gacanta shacabka dalalka kale ee caalamka.Â
Waddanka Yemen oo ku xiga Mareykanka ayay shacabkiisa heystaan wax ka yar kala bar tirada hubka ay heystaan shacabka Mareykanka.Â
Halkaan Hoose ka aqri Tobanka wadan ee Shacabkoodu inta badan hubeysan yihiinÂ
Mareykanka:Â Boqolkii qof ee ka tirsan shacabka Mareykanka waxay heystaan 120.5 qori.Â
Yemen:Â Boqolkii qof iyo 52.8 qoriÂ
Serbia:Â Boqolkii qof iyo 39-1 qoriÂ
Montenegro:Â Boqolkii qof iyo 39-1 qoriÂ
Uruguay:Â Boqolkii qof iyo 34.7Â
Canada:Â Boqolkii qof iyo 34.7Â
Qubrus:Â Boqolkii qof iyo 34Â
Finland:Â Boqolkii qof iyo 32.4Â
Lubnaan:Â Boqolkii qof iyo 31.9Â
Iceland:Â Boqolkii qof iyo 31.7Â