Basashu waxay ka mid tahay khudaarta ay sida isku midka ah looga isticmaalo guud ahaan caalamka, Soomaaliduna dheri walba oo ay ay cunto karinayaan kama maqna basal. Waxaa basasha lagu tilmaamaa mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee cuntada lagu carfiyo.
In basal la jarjaro waa howsha ugu xanuunka badan marka lagu jiro jikada, maadaama ay indhaha ilmeeyaan waqtiga mindida lagu yaryareynayo. Laakiin oohintu way ka badan tahay mid ku saabsan basasha indhaha galeysa marka la joogo dalka Philippines.
Dhorwkii bilood ee lasoo dhaafay shacabka dalkaas waxaa heysta dhibaato la xiriirta qiimaha basasha oo aad sare ugu kacay, dadka qaarna ka oohisiiyay.
Qiimaha halkii kiilo oo basal ah waxa uu Soomaaliya ka joogaa qiyaastii nus doolar ilaa hal doolar. Sida caadiga ahna hilibka isugu jira ariga, lo’da, geela iyo digaaga ayaa aad uga qiimo badan khudaarta ay ku jirto basasha, maadaama loo adeegsado in lagu carfiyo oo keliya.
Hase yeeshee, si ka duwan dunida inteeda kale – oo basashu ay jiimo isu dhow ka joogto – waddanka Philippines waxaa aad raqiis uga ah hilibka marka la barbar dhigo qiimaha ay ka joogto basasha.
Isbuucan waxaa lasoo tebiyay in halkii kilo oo basal ah ay suuqyada waddankaas ka gaartay ku dhawaad $8 doolar iyo bar, halka kiilada hilibka digaagga lagu kala iibsanayo $3 doolar oo keliya.
Celcelis ahaan mushaaraadka ay dadka ku nool Philippines qaataan waxa uu maalintii noqonayaa qiyaastii $6.84 doolar (lix doolar iyo siddeetan iyo afar senti), taasoo micnaheedu yahay in mushaarka maalinlaha loo qeybiyay uu ka yar yahay qiimaha hal kilo oo basal ah.
Waddanka Philippiness ayaa ka mid ah dalalka sida aadka ah looga isticmaalo raashinka lagu daro basasha iyo toonta, kaasoo qeyb ka ah raashin dhaqameedka dalka oo soo jiray ilaa xilligii gumeysiga Spain.
Baraha bulshada waxaa lagu faafiyay qoraallo ku saabsan in hadiyadda ugu muhiimsan ee qoysaska loo geeyo ay hadda tahay basal.
Dowladda ayaa ugaarsaneysa ganacsato si dhuumaaleysi ah basal kusoo geliya dalkaas, iyagoo isbuucan gacanta ku dhigay badeecooyin basal ah oo lagu qiimeeyay lacag ka badan $300,000 oo doolar.
Waxaa dhanka kale dowladda lagu eedeeyay in ay ka gaabisay wax ka qabashada sicir bararka sida gaarka ah u saameeyay qiimaha basasha.
Waxaa jira labo arrin oo sabab u ah sare u kaca qiimaha basasha ee dalka Philippines, sida uu sheegay Jim Nicholas Mapa oo ah khabiir ku xeel dheer dhinaca dhaqaalaha.
Tan koowaad waa in waddankaas ay ku dhufatay duufaan culus intii u dhaxeysay bilihii August ilaa September, sidaas darteedna ay burburisay dalagyadii beeraha ee la filayay. Musiibadaas ayaa timid xilli markii horeba ay basasha beeraha kasoo go’da ahayd mid aan dabooli Karin baahida suuqa.
Sababta labaad ayaa ah in basasha laga soo dhoofin jiray waddanka dibaddiisa ay ka daahday waqtigii loo baahnaa. Xilliga lasoo geliyo basasha ayaa mar walba ku beegma waqtiga ay soo go’aan dalagyada beeraha oo ku beegan bisha February..
Billowgii Bishan January ayey dowladda Philippines ansixisay in dalkeeda loo soo dhoofiyo ilaa 22 milyan oo tan oo basal ah si loo xasiliyo qiimaha suuqa.
Source-BBC