Thursday, October 10, 2024
More

    Xabagta Soomaaliya laga helo ee dahabka u ah Spain

    Bartamaha deegaannada Tierra de Pinares iyo Sierra de Gredos oo gobolladaas ka tirsan, waxaa ku yaalla keymo cuf ah oo cabbirkoodu uu gaarayo 400,000 oo hiktar oo ay ka baxaan geedo xabag ah oo buuraha ku dherersan.

    Keymahan oo laga dugaashado cadceedda Spain, ayaa waxay goob loo soo dalxiis tago u tahay dadka deegaanka iyo dalxiisayaasha intaba.

    Haddii aad booqatana xilliga habboon oo aad si dhow u eegto, waxaad arkeysaa shaqaale ku dhex jira keymaha oo geedaha ka guraya xabagta oo loo yaqaanno “dahabka dareeraha ah”.

    Ganacsi ballaaran

    Geedka xabagta ayaa siyaabo kala duwan loo isticmaalayay muddo kumannaan sano ah.

    Dalka Spain iyo qeybo badan oo ka tirsan Mediterranean-ka, waxaa loo adeegsan jiray in biyaha looga celiyo maraakiibta, lagula tacaalo gubashada, toosh daciif ah, iyo waxyaabo kale.

    Balse sida uu qabo Alejandro Chozas, oo wax ka dhiga Jaamacadda Madrid, qarniyadii 19-aad iyo 20-aad ayay Spain ku soo caan baxday gurashada geed xabagta oo ay noqotay wax laga faa’iido.

    Markii ay korortay ilbaxnimada teknolojiyadda iyo warshadeynta bartamihii qarnigii 19-aad, milkiilayaasha keymaha cufan Pinus pinaster ayaa wuxuu u arkay fursad.

    Shaqaalaha ayaa bilaabay inay jaraan jiridda geedaha xabagta ee gobolka ku yaalla si ay uga faa’iideystaan.

    Inkatsoo hannaankan gaabiska ah uusan ka sii jirin dunida inteeda badan, haddana tobankii sano ee la soo dhaafay ayuu mar kale caan ka noqday Castilla y León, oo ah goobta ugu badan ee xabag cadaadda laga guro qaaradda Yurub.

    Wararka La Xiriira

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    Latest Articles